På vår webbplats använder vi cookies som gör att ditt besök ska fungera bättre. Genom att surfa vidare godkänner du att vi använder cookies. Mer om cookies.
Waxaan leennahay hawl cad nooloo diray. Waxaan caawineynaa cidda aan lacagteedi la siin, waxaanna taageero iyo talooyin siineynaa cidda lacagta iska bixineysa. Waxaan sidoo kale hubineynaa in lacagaha si sax ah loo dhiibo. Waa xukuumadda cidda sanad walba go’aamineysa sida aan hawsheenna u fulineyno iyo waxa aan mudnaanta siineyno.
Xukuumaddu shaqo ayey noogu direysaa Qaraarrada ka soo baxa iyadoo ay la socdaan tilmaamooyin loogu tala galay hey’adda Kronofogden. Warqadda xukummadda waxaa ku qoran sida aan hawsha u qabaneyno iyo waxa aan mudnaanta siineyno inta sanadku uu socdo.
Hawlaha ay xukuumaddu noo dirtay waa in aan:
Hawsha waxaan la wadaagnaa Skatteverket iyo Tullverket.
Waxaan hawsheenna ku qabannaa annagoo hubineyna in la siiyo lacagteeda cidda xaqa u leh in la siiyo. Waxay ciddaasi noqon kartaa hey’ad dowladeed, degmo, shirkad ama qof shacab ah oo naga codsaday in aan ka caawinno in uu lacagtiisi helo.
Waxaan xitaa taageero siineynaa cidda deynka iska bixineysa, waxanna hubineynaa in lacag iska bixintu ay si sharci ahaan sax ah u dhacdo. Waxaan taas sameyneynaa annagoo tusaale ahaan u shaqeyneyno si ka hortag ah, bixineyno deyn dhaafid iyo annagoo gacan ka geysaneyna in haddii uu jiro murun aan lacag bixin la xiriirin, ee tusaale ahaan la xiriira guri qof ka saarid.
Abidkeen cid aan dhinacyada la jireyno ama ka jireyno ma jirto.
Laakin waxaan sameynaa wax aad uga badan intaas. Waa kuwan tusaalooyin ku aaddan qaar ka mid hawlaha kale ee shaqo ee aan qabanno:
Blanketter/Trycksaker
Telefonnummer till växel och kundservice:
0771-73 73 00
Måndag-fredag klockan 8-16.