På vår webbplats använder vi cookies som gör att ditt besök ska fungera bättre. Genom att surfa vidare godkänner du att vi använder cookies. Mer om cookies.
Amar lacag bixin waa dalab. Wuxuu badanaa ka dhiganyahay in qof shacab ah ama shirkad ay u aragto in ay lacag kugu leedahay.
Badanaa marka aad warqad naga heleysid, qof shacab ah ama shirkad ayaa u aragta in ay lacag kugu leedahay. Warqaddu waa dalab, waxaa taas loola jeedaa waa amar lacag bixin. Warqaddu waxay sidoo kale ku saabsanaan kartaa wax kale, tusaale ahaan:
Haddii aad deyn qabtid – toos u sii ciddi kugu lahayd ama cid wakiil u ah. Wakiil waa qof loo xilsaaray in uu cid kale wax u fuliyo.
Haddii aadan dhiibi karin, deynkaagu annaga ayuu noo imaanayaa. Deynka waxaa la gelinayaa diiwaankeenna.
Haddii aad u aragtid in aysan cidi deyn kugu lahayn waa in aad warqad noo soo dirtaa, noona sharraxdaa waxa aad u aragtid in ay khalad yihiin – markaas waa diideysaa dalabka.
Xasuusnow in aad qortid
Kiis-nambarku wuxuu ku qoranyahay warqadda dalabka, taas waxaa loola jeedaa warqadda amarka lacag bixinta.
Haddii aadan nala soo xiriirin waxaan go’aamineynaa in uu deynku jiro iyo in ay waajib kugu tahay in aad bixisid deyntaas. Deynkaaga waxaa lagu qorayaa diiwaankeenna. Waa taas sababta ay u tahay in aad nala soo xiriirtid haddii aad u aragtid in ay deyntu khalad tahay.
Warqadda xigta ee aad naga heli kartid waxay ku saabsantahay in deyn laguugu leeyahay oo ay tahay in aad iska dhiibtid.
Blanketter/Trycksaker
Telefonnummer till växel och kundservice:
0771-73 73 00
Måndag-fredag klockan 8-16.