Haddii deynka ay kugu leedahay hey’ad dowladeed

Haddii ay deynka kugu leedahay hey’ad dowladeed ama degmo warqadda ugu horreysa ee aad naga heleysid waxay noqoneysaa ”Skuld att betala”.

Haddii ay deymanka kugu leeyihiin hey’ad dowladeed ama degmo nagama heleysid warqad ku aaddan ama lacag bixin. Warqadda ugu horreysa ee kuu imaaneysa waxaa lagu magacaabaa ”Skuld att betala”.

Maxay yihiin deymanka caadi ahaan ugu badan ee ay hey’adaha dowladdu dadka ku yeeshaan?

Waa kuwan dhowr tusaale oo ku aaddan deymanka sida caadiga ah ugu badan ee ay hey’adaha dowladdu dadka ku yeeshaan:

  • Deymanka canshuurta oo uu Skatteverket dadka ku yeesho
  • Deyman ay CSN-tu dadka ku yeelato. Waxay taasi tusaale ahaan ku saabsanaan kartaa in aad waxbarasho deyn ku qaadatay oo ay kugu adagtahay in aad deynki dib u soo celisid.

Macluumaad la xiriira:

Yaad lacagta u shubeysaa, goormeedsa shubeysaa?

Hey’adda dowladda, tusaale ahaan Skatteverket, wuxuu doonayaa in lacagta loo soo shubo sidaas darteed ayey dalab ku aaddan deynka noo keenayaan. Annaga Kronofogden ah ayaad lacagta noo soo shubeysaa. Taariikhda ugu dambeysa ee lacagta la dhiibayo waxaad ka heleysaa warqadda.

Ma u aragtaa in dalabku uu khalad yahay?

Haddii aad u aragtid in dalabku uu khalad yahay waxaad la xiriireysaa hey’adda dowladeed ee dooneysa in lacagta la siiyo. Laakin fiiro gaar ah u lahaw in xitaa haddii aad taas sameysid, ay khasab tahay in aad lacagta noo soo shubtid inta aan la gaarin taariikhda ugu dambeysa ee lacagta la bixinayo.

Maxaa dhacaya haddii aadan lacagta bixin?

Haddii aadan lacagta waqtigeeda ku bixin waxaan billaabeynaa baaritaan, kaasoo aan dhaqaalahaaga ku baareyno. Waxaan dabadeeda cabbir ka qaadaneynaa

  • Lacagaha mushuur kaa soo gala ama
  • Waxyaabo kale, waxaa taas loola jeedaa hantidaada.

Waxay taasi ka dhigantahay in aan lacag ka goosan karno mushaarkaaga ama iibin karno hantidaada, tusaale ahaan gaari ama guri bar-milkiyad/bostadsrätt, si deynka loogu dhiibo.

Sammanfattning på svenska

Om du har skuld till en myndighet

Om du har en skuld till en myndighet eller kommun är det första brevet du får från oss ”Skuld att betala”.

Om du har skulder till myndigheter eller kommuner får du inte brevet om betalningsföreläggande från oss. Det första brev du får heter ”Skuld att betala”.

Vilka är de vanligaste skulderna till myndigheter?

Här är några exempel på vanliga skulder till myndigheter:

  • skatteskulder till Skatteverket
  • skulder till CSN. De kan exempelvis orsakas av att du tagit studielån och har svårigheter med att betala tillbaka lånet.

Till vem och när ska du betala din skuld?

Myndigheten, exempelvis Skatteverket, vill ha betalt och lämnar därför ett krav om din skuld till oss. Du ska betala skulden till oss på Kronofogden. Datumet för sista betalningsdag hittar du i brevet.

Tycker du att kravet är felaktigt?

Om du tycker att kravet är fel ska du kontakta den myndighet som vill ha betalt. Men observera att även om du gör det, måste du betala skulden till oss innan sista betalningsdagen.

Vad händer om du inte betalar?

Om du inte betalar i tid startar vi en utredning då vi undersöker din ekonomi. Vi kan sedan utmäta

  • pengar från din lön eller
  • saker, det vill säga din egendom.

Det innebär att vi kan dra pengar från din lön eller säljer din egendom, exempelvis en bil eller en bostadsrätt, för att betala din skuld.